BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Imaaraadka oo Canaan Dhagaha Ku Goosatay Madaxwayne Biixi + Arrimaha Ay Ka Biyo Diiday
April 19, 2019 - Written by admin

Dawladda imaaraadka carabta oo uu khamiistii todobaadkan safar ugu kicitimay madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa kulamo fool ka fool ah oo uu la qaatay madaxda wadankaas waxa madaxwaynaha lagu canaantay sidii uu u galay kiiskii ganacsadde axmed cismaan iyo dawladda jabuuti iyadoo dawladda imaaraadku madaxwaynaha ku wargalisay inuu qareen u noqday dawladda jabuuti islamarkaana aanay dawlad ahaan sii aamini karin kalsoonida dawladda imaaraadku ku qabto xukuumadiisa sidaas awgeedna loo baahanyahay inuu ka taxadaro arimaha jabuuti ee ku wajahan somaliland

biixi

dawladda imaaraadka ayaa madaxwayne biixi hor dhigtay una sheegay inay dayn dhaafaysa saddex boqol oo milyan ay ku leedahay dawladda jabuuti ilaa imikana aanay ka hayn islamarkaana dawladda jabuuti ka dagaalamayso mashaariicda shirkadda dp world iyo dawladda imaaraadku ka wadaan somaliland

waxaanay dawladda imaaraadku sheegeen in hoos u dhacwayni ku yimi kalsoonidii imaaraadku ku qabay xukuumadda biixi sidaasoy tahayna ay wali dhawrayso sidii uu wax uga qaban lahaa dhaliilaha ay ku eedaysay

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaa xaalkiisu yahay maskii qorotadda liqay ee haduu tufana indho beelaayay haduu liqana dhimanaayay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS