BALIGUBADLE MEDIA
Cali Gurey oo Mugdi Galiyay Doorasho Dalka Ka Dhacdana Fartana Ku Fiiqay In La Aasay Dimuqraadiyadii Somaliland
April 29, 2019 - Written by admin

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta Kulmiye ayaa meesha ka saaray in dalka doorasho ka dhacayso dhammaadka sanadkan waxaanu ku baaqay in aan dadka been lagu maaweelin.

cali gurey
Cali Guray oo boggiisa Facebook kaga dareen celiyay kulamo Kulmiye iyo UCID maalmahan la lahaayeen Komishanka iyo shirguddoonka Wakiillada ayaa sheegay in ay meesha ka baxday dimuqraaddiyaddii Somaliland haddana aanay doorasho dhacayn.

Qoraalkiisa ayaa u dhigan sidan:-

HA FADHIDO FAROW

Waryaa!, dalkan doorasho ka qabsoomi kartaa ma jirto eh yaan dadka been loo sheegin. Nadaamkii dimuqraadiyadda ee Somaliland ay hore u soo dhisatay talo ayaa lagu burburiyay hadda in EBER laga soo bilaabo mooyee ma jirto talo kale. WADDANI IYO KULMIYE oo iyagu leh 82 xildhibaan ee Aqalka Wakiilladu way isla ogol yihiin in aan dalka doorasho ka dhici waxana fulinta u qaabilsan xildhibaanada muxaafid iyo mucaarid isku raacsan in aan wax doorasho ahi dalka ka dhicin iyaguna kuraasida sidaa ugu fadhiyaan.

Cabdiraxmaan Cirro isaga way xukumaan xubnaha hadda WADDANI ah ee wakiiladu kuwa KULMIYANA way ku raacsan yihiin oo waa isku dan. Qolada UCID oo iyaga ay daacad tahay labada kale midna isku dan maaha. Madaxwayne Muse mooyi isagana xaalkiisa waayo xaaladdan oo kale waxa ka saari kara dalka masuulka koobaad ee qaranka oo ah hadba madaxwaynaha kursiga ku fadhiya isaguna khudbad-sanadeedkiisii ugu dambeeyay xataa kuma soo qaadin doorashooyinka muddo dhaafay.

Kolkaa xaalku miyaanu noqonayn ha fadhido Farow. Alleh ha u naxariisto dimuqraadiyaddii dhimatay ee Somaliland inta mid kale u dhalanayso-na ha fadhido Farow. Yaase u dhalin ma Cigaal baa nool mise Rayaale ayaa u jooga?

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS