BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ganacsade Axmed Geele Ku Sheegay Nin Lacag Soo Dhacay
April 4, 2019 - Written by admin

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warqad ka akhrinaya qoraal ayaa waxaa uu ka hadley arinta ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Dawlada Jabuuti .

Afhayeenka ayaa si cad Ganacsade Axmed Cismaan Geele ku sifeeyey in lacago ka soo dhacay Bangiyo dalka Jabuuti ku yaala isla markaana waxaa uu sheegay in Hargeysa aaney aheyn meel lagula soo dhuunto lacagaha caalamka laga soo dhaco .

Sidoo kale Afhayeenka ayaa cadeeyey in xukuumada Somaliland ay ogolaatey in Bangi Faransiiska laga leeyahay uu Hargeysa Dacwad kaga furo Ganacsade Axmed Cismaan Geele , waxana uu afhayeenku dhinaca kale Ganacsade Axmed ku eedeyey in sharciga ka talaabsadey oo beelo abaabulay , madax dhaqameedka beeshiisa oo war moog ahna kiciyey

madaxtooyadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS