BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Sii Daysay Darbi Jiifkii Maxkamadda Gobolku Xukunka Ku Riday
March 7, 2019 - Written by admin

Maxkamadda Rafcaanka ee Magaaladda Hargaysa ayaa Saaka Xoriyadoodii U Soo Calisay Labaatan Dhalinyaro Darbi Jiif ah oo hore maxkamadda gobolka hargaysi ugu riday xukun dhan lix bilood oo dhaqan celin ah.

news
Xisbiga Waddani ayaa Dhalinyaradani Bishii hore u qaaday Rafcaan waxaana saaka qareenadii u doodayay ku guulaysteen in ay Xoriyadooda u soo celiyaan labaatanka dhalinyaradda ah oo hore wasaaradda shaqo galinta cabasho ay ula tageen ku mutaystay xabsi dhan lix bilood.

Garyaqaan mubaarig oo ka mid ahaa Qareenadda u doodayay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhamaan ooda laga qaaday saakana ay maxkamadda rafcaanku ku dhawaaqday inaanay wax dambi ah layahn dhalinyaradaasi cabashadda ay la hortageen wasaaradda xabsiga loogu badalay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS