BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Sii Daysay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xabsiga Loo Taxaabay.
March 21, 2019 - Written by admin

Agaasimihii Guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wayci-galinta somaliland Cismaan Xuseen Warsame ee shalay ciidamada amaanka somaliland Hawlo musuq-maasuq loogu xidhay Xarunta Dambi Baadhista Ee Magaaladda Hargaysa ayaa Lasii Dayay.

aan
Agaasimaha ayaa Baadhis ay hanti Dhawrka qaranka somaliland ku hayeen wasaarada warfaafinta waxa ay sababtay in ay xabsiga dhigaan madaama oo uu soo galay tuhuno muujinaya inuu ku lug lahaa Wax Is-daba marin ka dhacday wasaaradda warfaafinta somaliland.

Cismaan Xuseen ayaa Isagu war-qadiisa is casilaadda waxa uu u gudbiyay madaxwaynaha somaliland markii uu sheegay in sababo caafimaad dartood aanu u gudan Karin shaqadii loo igmaday madaama xaalad caafimaad daro soo wajahday.

Saaka Odayaasha iyo salaadiinta beesha uu ka soo jeedaa waxa ay ka soo damiinteen xabsiga madaama oo ay shegeen in xaaladiisa caafimaad adagtahay Dhakhaatiirta caafimaadkiisa gacanta ku hayaana ku taliyeen inaan xabsi lagu hayn Karin,balse waxa ay tilmaameen in dacwadiisa la wado isaga oo dibada ku sugan.

Dhinaca kale waxa isagu wali xabsiga ku jira oo xidhan agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaaradda warfaafinta somaliland oo isagana shalay ciidanka amaanka somaliland xabsiga u taxabeen markii isna ay soo galeen arimo musuq-maasuq.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS