BALIGUBADLE MEDIA
Warbixin Daaha Ka Fayday In Wariye Jamaal Khashoqji Lagu Dhex Gubay Qusuliyadda Saudi Arabia ee Turkiga
March 5, 2019 - Written by admin

Maydka wariyihii sucuudiga u dhashay ee jamal khashuqji ayaa lagu dhex gubay nooc ka mid ah aaladah wax lagu kululeeyo ama lagu kariyo ee ovenka loo yaqaano, sida lagu ogaaday baadhitaan cusub oo ay smaysay warbaahinta aljazeera.

Waxa lagu dhex gubay guriga qunsulka sucuudiga ee dalka turkigfa oo aan sidaa uga foogayn dhismaha qunsuliyadda, sida  uu baadhitaankun sheegayo.

jamaal kashoggi

Macluumaadkan dheraadka ah ee la xidhiidha dilka wariyaha ayaa lagusoo bandhigay barnaamij 53 daqiiqo socday oo laga baahiyay qaybta luuqada carabiga ku waranta ee warbaahinta aljazeera.

Muuqaallo ay dawladda turkigu sii daysay mar hjore ayaa muujinayay shandado madaw oo lagasoo saarayo gudah qunsuliyadda sucuudiga e magaalada istanbul, kuwaas oo larumaysnaa in uu ku jiray maydka wriyaha oo la googooyay, waxaana lagu gubay gudaha aqalka qunsulka oo wax ka yar boqol tallabo u jira qunsuliyada, sida uu baadhitaanku sheegayo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS