BALIGUBADLE MEDIA
Warbaahinta Muqdisho oo Baahisay in Quus Qaramada midoobay Ka Joogto Somaliya Ay Keeni Doonto Inay Toos Ula Macaamisho S/land
March 28, 2019 - Written by admin

Warbixntani hoos ku xusan waxa baahisay mid ka mid ah warbaahinta ka soo baxda ama hago magaalada Muqidisho ee Somaliya, waxana ay warbixintani biidhiiminaysaa in qaramada midoobay ay hada waxii ka danbeeya si toos ah ula macaamili doonto Somaliland iyada oo ay warbixintaasi xushay in ay arintani dabada ka riixayaan dawlado dunida awood ku leh

news

Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya.

“Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn.

9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland).

Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro.

Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay.

Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo mudooyinkii u dambeeyayna qadiyada si aad ah dabadda uga riixaysay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS