BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Sheekh Aadan Sunne oo Laga Dayrinayo Xaaladiisa Caafimaad.
March 5, 2019 - Written by admin

warar aan la hubin oo soo gaadhaya xarunta warqabadka baligubadlemedia ayaa sheegaya inaan ilaa hadda si rasmiya looga war hayn xaaladda rasmiga ah ee sheekh aadan sunne islamarkaana ay eheladiisa ugu war dambaysay maalintii shalay markii xukuumaddu ka biyo diiday qalniin rasmiya oo dhakhtarku sheegay in lagaga samaynayo caloosha kaas oo uu ku dlabaday in sheekhu u baahanyahay 21 cisho oo uu dhakhtarka yaalo islamarkaana lagu daweeyo iyo saddex bilood oo nasasho ah arintan oo ay ku gacan saydhay xukuumaddu ayaa keentay in dhakhtarkii qalniinka samaynaynay sheego in hadaan shuruudahan la fulinayn aanu samayn karin wax qalniina

sheekh aadan sunne

waxaanay wararku intaas ku darayaan in xaaladda caafimaad ee sheekhu liidato islamarkaana aan ilaa hadda wax qalniina lagu samayn laguna hayo isagoo liita jeelka wayn ee hargeysa

isku soo wada duuboo qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ayaan ogolayn midna in jeelka lagu haysto qof sakaraad ah oo xaaladiisa caafimaad liidato balse arintan ayaa layaab ku noqotay cidkasta oo maqashay.

waxa galabta ilaa caawa degmadda axmed dhagax ka socday banaan bax arintan lagaga soo horjeedo waxaana ciidamaddu hadana goor dhawayd xabsiga dhigeen xaaskii sheekha iyo haween kale dhanka kale maalinta barri ayaa loo balamay banaabax kan ka wayn oo ka dhaca hargeysa

lasoco wararka dambe

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS