BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland: Shacabka oo U Dhagtaagaya Talaabadda Madaxwaynuhu Ka Qaado Golayaasha Wakhtigoodu Dhamaaday ee Deegaanka
March 30, 2019 - Written by admin

Muddo xileedkii ay xukuumadii hore u kordhisay goleyaasha deegaanada ee dalka ayaa shalay oo ahayd 29 March 2019 ku eekayd.

Xildhibaanada goleyaasha deegaanada ee dalka oo ay tiradoodu tahay 353 xildhibaan ayay muddo xilleedkoodii shalay ka dhammaatay, waxaana la is weydiinayaa go’anka uu Madaxweyne Biixi ka qaadan doono.
madaxwayne mbc

Dad badan ayaa filayay in Madaxweyne Biixi uu kala diri doono goleyaasha deegaanada islamarkaana uu magacaabi doono xoghayayaal noqda ku sime maayar inta doorasho deegaan la qabanayo, isagoo wax ka bedel ku samayn doona xeerka goleyaasha deegaanada, laakiin ma muuqdo wax qorshe ah oo uu Madaxweyne Biixi ka damacsanyahay goleyaasha deegaanka oo uu wakhtigoodii dhammaaday.

Sidaas darteed, waxa la is weydiinayaa Madaxweyne Biixi ma mudada ayuu u kordhin doonaa goleyaasha deegaanada mise sharciyada ayuu wax ku bedel ku samaynayaa oo wuu kala diri doonaa?

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS