BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Ka Hadashay Saamaynta Xidhiidhka Eritrea Ku Yeelan Karo Djibouti
March 23, 2019 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay saamaynta uu wadanka Djibouti ku yeelan karo xidhiidh cusub oo dhexmara Eritrea.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu kaga waramay xidhiidhka cusub ee u bilaabmay somaliland iyo Eritrea iyo inuu saamayn taban ku yeelan karo xidhiidhkii hore uga dhaxeeyey wadanka Djibouti.

wafti eritrea

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya somaliand iyo Eritrea waa qayb ka mid ah isdhexgalka dhaqaale ee ka socda gobolka, waana mid lagu aas aasay danaha ay wadaagaan labada dal.”

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa ka hadlay saamaynta uu xidhiidhka Eritrea ku yeelan karo kii ay hore ula lahaayeen Djibouti waxaanu yidhi ” Xidhiidhka aanu la yeelanay Eritrea ma badali doono ama saamayn taban kuma yeelanayo xidhiidhka taariikhiga iyo walaaltinimada ah ee u dhaxeeya somaliland iyo Djibouti.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS