BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xilka Wasiirkiisa Arimaha Dibada Looga Magacaabay Qaramada Midoobay
March 10, 2019 - Written by admin

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ka hadlay xil qaramada midoobay looga magacaabay wasiirkiisa arimaha debada Workeneh Gebeyehu.

War ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu uu dhambaal hambalyo ah gaadhsiinayo wasiirka arimaha dibada oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u magacaabay agaasimaha xafiiska qaramada midoobay ee magaalada Nairobi.

abuu

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in wasiirka arimaha debada ee Itoobiya Workeneh Gebeyehu uu wax badan ka qabtay awooda wasaarada arimaha debada tan iyo sanadkii 2016 oo loo magacaabay, waxaanu warku intaas raaciyey in Workeneh Gebeyehu uu labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey dawlada Itoobiya ka caawiyey hay’addo kala duwan.

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale qiray kaalinta uu Workeneh Gebeyehu kaga jiro isbadalada dalkaasi ee dhinaca siyaasada arimaha debada gaar ahaana sida ay Itoobiya hormoodka uga tagay isdhexgalka bulshada geeska Afrika.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS