BALIGUBADLE MEDIA
Qatar oo lacag malaayiin dollar ah ku kabeysa Miisaaniyada dowladda Soomaaliya
March 1, 2019 - Written by admin

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in lacag dhan 73 Milyan oo riyaalka lacagta Qadar ah una dhiganta $20 Milyan oo dollar ku kabeysa miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019ka.

Arrinta ayaa imneysa kaddib markii magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo iyo Amiirka dalka Qadar Tamiim bin Xamaad Al-thaani.

farmaajo and boqorka qatar

Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale la iskula gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qadar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Dowlada Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha wadooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle, iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu dhagax dhigay mashrucaas 18-kii bishan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS