Madaxweynaha Sudan oo Banneeyey Xilka Guddoomiyennimada Xisbiga Talada dalkaas haya ee NCP
March 3, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa banneeyey xilka guddoomiyennimo ee xisbiga NCP ee talada dalka waddankaas haya, waxaanu hoggaaminta xisbiga ku wareejiey Axmed Harun oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas.
Xisbiga qaranka ee dalka Sudan, ayaa ku dhawaaqey xilli dambe khamiistii ah inuu Albashir uu iska casiley xilka gudoomiyaha xisbiga taasoo imaaneysa iyadoo bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo madaxweynaha ay ka dhaceen dalkaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga qaranka ee NCP ayaa lagu sheegey in gudoomiyaha xisbiga lagu dooran doono shir weynaha guud ee soo socda oo xisbiga uu yeelanayo, lama sheegin tariikhda la qaban doono shirkaasi.
Madaxweynaha dalka Sudan Omar Al Bashir ayaa dhawaan ku dhawaaqey xaalad deg deg ah oo guud ahaan dalkaasi uu kusoo rogey kadib marki ay dhaceen dibad baxyo looga soo horjeedo xukunkiisa.
Madaxweyne Al Bashir ayaa dhisey maxamado deg deg ah oo loogu talagaley iney la xaalaan rabshadaha inta lagu jiro xaaladda deg degga ah.
Maxkamadaha xaaladda deg dega ah ee dalkaasi ayaa khamiistii xukunno xabsi ah ku ridey sideed qof oo dibad baxayaasha kamid ah oo lagu xukumey sided bilood ilaa shan sano.
Dibed-baxyada, ayaa ku billowdey caro ka dhalatey qiima kororka rootiga laakiin markii dambe waxuu isu badaley mid lagu dalbanayo in Al Bashir uu xukunka ka dago.
Xigasho: Voasomali
Like this:
Like Loading...
COMMENTS