BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo Oo Isbitaalka Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho.
March 4, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa saaka cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

hhj

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Yuusuf  oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in

ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS