BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Magacaabay Gudoomiye Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Shidaalka Berbera
March 28, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha somaliland ayaa maareeye ku xigeen cusub u magacaabay haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta Warqabadka ee Baligubadlemedia ayaa u dhignayd sidan:-

majaalilayste muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne:- Magacaabid.

Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:​Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:​In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: ​La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS