BALIGUBADLE MEDIA
Madaafiic Lagu Qaraacay Qaybo Kamida Qasriga Madaxtooyadda Villa Somaliya
March 2, 2019 - Written by admin

Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda Somalia iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

news

Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha.

Saddex ka mid ah ay ku kala dhacay Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay.

Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooyada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka .

Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro warbaahintu heshay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS