BALIGUBADLE MEDIA
Khilaafyadda Madaxwayne Biixi Iyo Ku Xigeenkiisa oo Soo Noqnoqday Bilihi U Dambeeyay + Qodobadda La Isku Hayo.
March 29, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi oo dadka u ololeeyaa ku tilmaami jireen nin hogaamin adag islamarkaana aan ka noqon go’aamadda uu qaato ayaa u muuqda mid jilcay islamarkaana xagal daac badani ka muuqdo hogaamintiisa

arrimaha ugu badan ee madaxwaynuhu ka jilcay waxa kamid ah isagoon wax talaabo ah ka qaadi karin masuulka uu doono ee uu khalad ku qabto iyo sidoo kale isagoo u babac dhigi karin madaxwayne ku xigeenkiisa oo u muuqda mid awoodiisa ku haysta

muuse iyo saylici

arrimaha layaabka leh ee labadii bilood ee u dambeeyay soo baxay waxa kamid ah kulamo madaxwaynuhu la qaatay waxgaradka beelaha ciise oo lagaga hadlayay colaadaha beelo isku hor fadhiya dhinaca xeebta ee saylac ayuu madaxwaynuhu iyadoo shirka lagu jiro islamarkaana laga cawday ku xigeenkiisa u sheegay inuu dadka dhibka ka daayo islamarkaana aanu kala xigtaysan beelaha halkaas isku hor fadhiya madaxwayne ku xigeenka ayaa jawaab degdega ku siiyay isla shirkii madaxwaynaha isagoo dadka hortooda ku handaday madaxwaynaha taasoo keentay in madaxwaynuhu dib u sasabo saylici

arrimaha kale ee layaabka leh waxa kamida kadib markii madaxwaynuhu shaqadda ka joojiyay agaasimaha haayadda dhawrista tayadda oo musuqmaasuq lagu eedeeyay ayuu madaxwayne ku xigeenka oo lalayaa u yimi madaxwaynaha markaasuu hadalo hanjabaad iyo handadaadi ku jirto kula hadlay madaxwaynaha waxaanu markii dambe madaxwaynuhu hadana dib u baryay saylici iyadoo uu shaqadii u sii daayay agaasimihii
arinta kale ee la yaabka leh ayaa ah kadib markii madaxwaynuhu maalintii shalay xilka ka qaaday taliyihii ciidanka asluubta somaliland ayuu madaxwayne ku xigeenku markii uu ka war helay xilka qaadista isagoo ordaya usoo galay madaxwaynaha waxaanu u sheegay inuu is casilayo hadii xilka qaadista laga noqon waayo dhamaan arrimahan ayaa muujinaya sida madaxwayne ku xigeenku u jabsaday madaxwayne biixi islamarkaana aanu waxbaba iskaga tirinay dadka qaar shakhsiyadda ad adayga muuse biixi yaqaanay ayaa arrimahan ku tilmaamay in madaxwaynaha ay jaanjaamisay dhaartii faraha badnayd uu fulinteeda ka baydhay

si kastaba ha ahaatee Madaxwayne Ku xigeenka somaliland cabdiraxmaan saylici ayaa meeqaamka dadka uu u doodo iyo arrimaha uu ilaaliyaa yihiin raaskiisa hoose ee maxamed case arintaas oo laf jab ku ah qaranka somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS