BALIGUBADLE MEDIA
Guddida Fulinta Golaha Deegaanka oo Si Ba’an Usii Xaalufinaya Hantidii Iyo Dantii Guud ee Caasimada
March 24, 2019 - Written by admin

Guddida fulinta dawladda hoose ee hargeysa ayaa sida daaniyaha maalmihii u dambeeyay u cunaya hantidii guud ee dawladda hoose hargeysa khaasatan dhaqaalihii dakhliga ahaa iyo sidoo kale dhulkii danta guud iyagoo maalmihii u dambeeyay bilaabay inay xafiisyo ka furtaan degmooyinka xaafadda islamarkaana ay baloodh iyo baloog wixii ay arkaanba si ba’an oo arxan lahayn u cunaya  arintan ayay keentay markii suuqa soo gashay in lakala dirayo golayaasha deegaanka iyadoo taasi keentay inay xoolaha umadda sii boobaan maalmahan kooban ee u hadhay.

soltelko ayaydhalay

musuqmaasuqan ayaa socday tan iyo intii ay ku war heleen in lakala dirayo waxaana meesha ka maqan qorshe loo baahnaa in madaxwaynuhu kula sii socdo dhaqdhaqaadooda si aanay u sii xaalufin hantida umadda balse taasi may dhicin waxaana xaalufka baahsan ee ay guddida fulintu wadaan keentay qorshe xumadda xukuumadda biixi oo iyadu qorshe cad ka yeelan waydo sii koobida awoodooda kahor inta aanay suuqa soo galin kala diristoodu si aanay usii boobin hantida umadda

si kastaba ha ahaatee boobkii ugu waynaa ayaa ka socda golaha deegaanka caasimadda hargeysa waxaana soltelko iyo labadiisa xubnood si ba’an usii xaalufinayaan waxoogaagii danta guud ahaa ee lagala wareegi lahaa waxaanau duqa caasimaddu dhex fadhiyaa xarumaha ta kala wareejinta dawladda hoose si uu usii boobo boqolaal baloog oo dhul dan guud ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS