Farmaajo oo Aqbalay in Itoobiya Dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya + Kulanka Nairobi
March 6, 2019 - Written by admin
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa aqbalay in dowladda Itoobiya dhex-dhexaadiso khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee la xidhiidha muranka dhul-badeed ku yaalla meel u dhaw xadka badda ee labada dal wadaagaan oo dhanka Soomaaliya raacsan.
Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ku kulmay Addis Ababa oo ay go’aanna ku gaadheen, ayaa u amba baxaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Labada hoggaamiye, ayaa la sheegay in wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. “Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisaal Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.” ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Khayr Cabdi, ayaa u xaqiijiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC in madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen xiisada ka dhalatay muranka badda ee Muqdisho iyo Nayroobi.
Laakiin wasiiru-dowlaha oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha waxa uu intaa ku daray in muranka badda uu yahay waxa mugdiga geliyay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in mowqifka Soomaaliya ee la xiriira dacwadda badda uusan waxba iska bedelin islamarkaasna aysan ka noqon doonin dacwada hor taal maxkamada caalamiga ah ee ICj. Hase-yeeshee, wixii siyaasad iyo xidhiidhada kale ah laga wadahadlayo, lagana wadahadli karo, heshiisna laga gaadhi karo.
“labada dal waxa ay isku hayaan waa arinta Bada, Soomaaliyana mooqifkeedu waa mid cad, oo aan laheyn wax gabasho ah oo aanay ku jirin mugdi, wixii sharciga horyaalana waa sida loo hor dhigay, waana mowqif aan laga laabaneyn,” ayuu yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya.
“Balse wixii kale ee siyaasad ah ama diblomaasiyad ah ama ganacsi ah ama daris wanaag ah ama isu socod ah waxaan diyaar u nahay inaan si fiican ku xalino.” sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha oo BBC u warramay.
Sida lagu sheegay qoraalka, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS