BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Itoobiya Oo Heshiis La Gaadhay Laba Dhaqdhaqaaq Oo Ka Soo Horjeeday
March 16, 2019 - Written by admin

Dawlada Itoobiya ayaa heshiis la gaadhay dhaqdhaqaaqyada kala ah Afar Liberation Movement(ALM) iyo Gambella People’s Liberation Movement(GPLM).

Dawlada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyadan wada hadal kula lahayd magaalada Asmara ee wadanka Eritrea ayaa shaacisay in lagu guulaystay in la gaadho isafggarad dib u heshiisin ah oo dhexmara labadan dhaq dhaqaaq iyo dawlada Itoobiya.

heshiis
Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa shaaciyey in heshiiskan ay labada dhinacba ku saxeexeen magaalada Asmara.

Dib u heshiisiintan ay Itoobiya la gaadhay labadan labadan dhaqdhaqaaq ayaa dhigaya in aragtidooda siyaasadeed ay ku fuliyaan hab nabadgalyo ah iyaga oo ku sugan wadankooda Itoobiya.

Wasiirka difaacan ee dalka Itoobiya Eng Aisha Mohammed iyo ku xigeenka maamulka Afar Usman Mahammed ayaa heshiiskan la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa ALM, halka madaxa maamulka Gambella Omod Ojulu uu heshiiska la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaaqa GPLM.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS