Ciidamadda Booliska oo Xabsiga Dhigay Agaasime Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta
March 20, 2019 - Written by admin
Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed.

Wararka aanu Helayno ayaa tibaaxaya in amarka lagu xidhay uu bixiyay Hanti-Dhawrka Somaliland oo Bilihii ugu dambeeyay baadhis ka wadday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Oo Lagu Edeeyay in ay ka dhacdo wax is-daba marin wayni.
Saaka ayay ahayd iyaduna markii la xidhay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta u isagu shalay war-qadiisa is casilaadda uu gudbiyay madaxwaynaha somaliland,waxaana ay tani noqonaysaa in baadhista ay wadeen hanti-dhawrku in laga gun-gaadhay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS