Aby Ahmed oo Maalin Kadib Safarkiisii Qatar Mid Kale Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta
March 21, 2019 - Written by admin
Rayisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed Cali ayaa gaadhay Magaalo Madaxda dalka Imaaraadka carabta ee Abu Dhabi.

Waftigan uu hogaaminayo Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Cali oo ka soo kicitimay dalka Qadar ayaa waxa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay Sheikh Mohamed bin Zayed Iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda dalkaasi.
In kasta oo aan la shaacinin waxyaabaha ay ilaa hadda ka wada hadleen labada dhinac, hadana safarkii uu shalay Abiy Ku Tagay Wadanka Qadar ayaa la sheegayaa in ay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac, hir gelinta maalgashiyo, dalxiiska, horumarinta kaabeyaasha bulshadda iyo waliba qodobo kale.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS