BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Xabsiga U Taxaabtay Masuuliyiin Lagu Eedeeyay Arrimo Musuqmaasuq
February 16, 2019 - Written by admin

Xukuumadda Muuse biixi ayaa xabsiga utaxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaranka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar.

news

Masuuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka mudadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani.

Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan
lama garanayo sababta keentay in xukuumaddu xiliigan xabsiga u taxaabto masuuliyiinta aan hadda xila ka hayn xukuumadda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS