Xukuumadda Madaxwayne Biixi oo Albaabadda U Laabtay Wargeyskii Foore Iyo Cabudhinta Warbaahinta oo Xadhkaha Goosatay
February 10, 2019 - Written by admin
Gdoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa xukun iskugu jira ganaax lacageed iyo xadhig ku riday wargeyka Foore.
Gudoomiyaha maxkamada oo ku dhawaaqay go’aanka dacwad ka dhan ah wargeyskaas oo ka socotay maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in wargeyska lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan sadex milyan iyo halsano oo aanu wargeyskaasi soo bixin.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in lacagta ganaaxa ah ee lagu riday loo xidhay tifaftiraha wargeyska Foore Ilkacase, kaas oo xidhnan doona inta lacagta laga bixinayo, waxaanu xusay inay dhawaan faah faahin ka bixin doonaan xukunka ku dhacay.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS