Xukuumadda Madaxwayne Biixi Miyay La Dhacsantahay In Raysal Wasaaraha Ethiopia Somaliland Ugu Yeedho Maamul ?
February 23, 2019 - Written by admin
Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay sida ay u aragto in warkii ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya uu maamul ku tilmaamo somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta la hadlay markii weftiga madaxweyne Muuse Biixi ka dageen garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ayaan wax diidmo ah ka muujin in maamul lagu sheego somaliland.
Wasiir Maxamed Kaahin oo ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Raysal wasaaraha Itoobiya martiqaad rasmi ah ayuu u soo fidiyey soona gaadhsiiyey madaxweynaha somaliland oo ay wada yeesheen wada hadal aad u dheer iyada oo ay wehelinayaan madaxdii wehelinaysay ee labada dhinac.”
Wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waa la isticmaalaa waxaanu kulanay maamulka madaxweyne Hebel, waxa kale oo laysticmaalaa dawlad heblaayo ayaanu is aragnay qadafna kuma jiro, waxaanu garoonka diyaaradaha ka degnay iyada oo calanka Itoobiya iyo calanka somaliland ay isbarbaryaalaan, si wanaagsana waa naloo soo dhaweeyey si wanaagsana waan u wada hadalnay.”
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS