BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirkii Hore ee Maaliyadda oo Guddida Tacliinta Sarre Mushaharkii Ka Joojisay
February 2, 2019 - Written by editor

Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Tacliinta Sare ee Somaliland Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa sheegay in gabi ahaanba ay mushaharkii ka joojiyeen wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo markii madaxwaynahu xilka ka qaaday uu ku daray gudida tacliinta sare.

wasiirka maaliyadda98

Guddoomiye Ku Xigeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sababta uu Mushaharka uga joojiyay ku sheegay inuu Xubintaasi gudida Tacliinta Sare ka tirsani iman waayay shaqadii loo igmaday isla markaasina taasi ay keentay in ay joojiyaan mushaharkiisa ilaa inta uu ka soo xaadirayo xafiiska shaqada.

Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa hore u ahaa wasiirka maaliyadda ee xukuumadda madaxwayne muuse biixi,waxaana uu dhawaan xilkii uu ka qaaday madaxwaynahu uu ku badalay wasiir sacad cali shire oo isna hore u ahaa wasiirka arimaha dibada somaliland.

Geesta kale Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa isaguna ilaa hadda waxa jawaab ah ka bixin mushahar joojinta lagu sameeyay balse guddoomiye ku xigeenka Gudida Tacliinta Sare ayaa sheegay in xidhiidho uu la soo sameeyay yuusuf uu ku dalbaday in mushaharka lasiiyo balse waxa ay shegeen in ay ku xidheen inuu shaqadda yimaado.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS