BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha
February 3, 2019 - Written by admin

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

bayle kin jin

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku  saabsan dib-u-habeynta maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha  Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin  Jian.”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa  sheegay in dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir  taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed  waxtar weyn u leh.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS