BALIGUBADLE MEDIA
Tarsan oo Degdeg Uga Dhoofay Nairobi Iyo Xiisadda Somaliy Iyo Kenya oo Meel Xasaasi ah Maraysa
February 17, 2019 - Written by admin

Safiirkii soomaaliya u fadhiyey magaalada Nairobi Maxamed  Axmed Nuur (Tarsan) ee xarunta dalka Kenya ayaa si deg deg ah uga soo baxay dalkaasi.

tarsan

Danjire Tarsan ayaa ka soo baxay dalka Kenya ka dib markii dawlada Kenya ay ku amartay  inuu 24 saacadood gudahood kaga baxo dalka isla markaana ay u yeedhatay safiirkii u fadhiyey magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa talaabadan qaaday ka dib markii ay sheegtay in Soomaaliya ay ka soo jawaabi wayday cabasho ay ka muujisay ceelal shiidaal oo ku yaala xuduuda bada ee lagu muransan yahay.

Dhinaca kale danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa filayaa inuu maanta xamaantiisa ka urursado isla markaana u socdaalo dhinaca dalkiisa.

Xidhiidhka soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan maraya meeshii ugu xumayd, iyada oo khilaafka labada dal uu marayo meeshii ugu saraysay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS