BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Oo Ka Jawaabtay Dawladda Ingiriiska oo ku Dartay Liiska Dawladdaha Aanay muwaadiniin-toodu Tagi Karin.
February 13, 2019 - Written by admin

Xukuumadda somaliland ayaa jawaab ka bixisay digniino ay dawlada ingiriisku ka soo saartay amaanka somaliland oo ay muwaadiniin-teeda uga digtay in ay tagaan magaalooyinka somaliland qaarkooda,waxaana ay somaliland tilmaamtay in amaankooda uu yahay mid sugan.

feedho

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa dawlada ingiriiska u soo jeediyay in marka ay amaan daradda somaliya ka hadlayaan inaanay ku soo dirin somaliland oo amaankeeda ay sugaan ciidankeeda kala duwan.

“Arintaasi dawladda Engiriiska ayay Khusaysaa iyaga ayaa dadkooda wax u sheegayay lakiin xageena nabad galiyo daro aynu ognahay maba jirto layaabna malahoo dharaar walba xamar oo ay qaraxyo ka dhacayaan magaaladda xamar in ay dadkooda u digaan kulamaan yaabin,lakiin xaga somaliland wax dhibaato ah oo ka jiraa majiraan.

Intaas waxa uu ku daray wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye Isaga oo hadalkiisa siiwata.”dawlada Ingiriiska waxaanu leenahay digniinta ay dadkooda siinaya hada somaliya laba dal ayaanu kala nahaye oo waanu kala gadisanahaya waa in ay ka fiirsadaan ayaan dawlada ingiriiska u soo jeedin lahaa lakiin arintaasi ay shegeen waa mid iyaga u taala.

Dawladda Ingiriiska Ayaa Toddobaadkii Hore Somaliland Ku Dartay Dawladaha aanay Muwaadiniin-toodu u safri karin,balse dawlada somaliland ayaa warka ka soo baxay ingiriiska ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin isla markaasina amaanka somaliland yahay mid adag oo ciidankiisu sugaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS