BALIGUBADLE MEDIA
Shirkadda Spectrum oo Ka Hadashay Cabashada Kenya iyo Aagaga ay Ka sameeyeen Sahaminta Shidaalka
February 19, 2019 - Written by admin

Shirkadda Spectrum oo ah shirkaddii sahminta shidaalka ka sameysay Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay dhawaan aan marnaba lagu iibgeeynin xermooyin shidaal ah.

news1
Sidoo kale shirkadda ayaa intaa ku dartay in dhulka sahminta iyo sahanka shidaal baarista laga sameeyay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana ay meesha ka saartay in gabi ahaanba lagu soo daray shirka xudduud baddeedka ay ku muransan yihiin labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ka soo baxay Spectrum ayaa waxaa lagu soo darray  qariirada muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay iyo qeybta dhul  badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

spectrum

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS