BALIGUBADLE MEDIA
Shirkada DP World oo Kordhisay Cahuurta Badeecadihii Ka Soo Dagi Jiray Dekeda Berbera + Intee Korodhay?
February 17, 2019 - Written by editor

Shirkada DP World ee gacanta ku haysa maamulka Dekeda Berbera ayaa kordhisay cashuurta ay ka qaado alaabaha ka soo dega dekedaasi.

Bulshada ayaa aad isku waydiisay qaabka ay shirkada DP World u kordhisay cashuurta ay ka qaado alaabaha ka soo dekeda Berbera ka dib markii ay shaacisay inay isku jaangoynayso qiimaha sarifka ee baanka dhexe shaaciyo iyo cashuurta oo ay ku qaado lacagta shilinka somaliland.

dp world3
Hadaba Yaasiin Calase oo ka mid ah aqoonyahanada somaliland ee bartay cilmiga dhaqaalaha ayaa soo bandhigay qaabka uu ku imanayo korodhka cashuurta ee ay shirkada DP World ku samaysay badeecadaha ka soo dega dekeda Berbera, isaga oo xusay

in bilaha April ilaa June laga dareemi doono suuqyada marka talaabada DP World dhaqan gasho.

Aqoonyahan Yaasiin Calase oo soo bandhigaya qaabka DP World u kordhisay cashuurta badeecadaha ka soo dega dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi “31 January 2019 ayaa wareegto kasoo baxday maamulka sare ee DP World Berbera lagu sheegay in wax kabadal lagu samaynaayo sarifka lagu qaado lacagta ay ka qaado ganacsatadda oo ah imika ($1 = 7,000 SLSH) kani dhigi doonaan marka ay tariikhdu tahay 2 March 2019 sarifka suuqa ama safirka Baanka Dhexe.

Wax ka badalka ay ku samaynayaan qiimahii hore ee sarifka  ayaa keenaya korodhka ah 43% in ay korodhay lacagtii laga qaadi jiray ganacsatadda ee khidamadda Rogista iyo Rarista alaabta in ay ka badato tii ay awal bixin jiree.

Sida caadiga ah waxa ay lacagta ay qaado DP World ku qiimaysantahay Dollar. Lakiin waxa lacagta ay ku qaada/qabata Somaliland Shillin. Waxaana lagu badala hada $1 = 7,000 SLSh ah.

Tusaale ahaan haadii aad lasoo dagto kontiinar 40ft ah. Waxa ay noqonaysa lacagta laga doonaya $614 oo kala ah ($260 oo ah Port Fee iyo $354 oo ah Terminal Handling Charge).
$614 marka aad ku bixinayso Somaliland Shillin waxa aad bixin lahayd (614*7000 = 4,299,000 SLSH)

Lakiin maanta waxa ay kaa doonayaan (614*10,000 = 6,140,000 SLSH)
Marka korodhka lacageed ee aad bixisay waxa weeye. 1,842,000 SLSh.

Marka hadii boqolay loo badalo waxa ay noqonaysa in aad bixisay lacag ka badan tii aad markii hore bixin jirtay oo noqonaysa marka loo badalo Boqolay 43% korodh ah.

Waana halka korodhka lacageed ee ay samaysay DP World Berbera kaga imanaayo ganacsatadda iyo dhamaan cid kasta oo kala soo dagta alaab dekedda Berbera.

Arintaasina waxa ay saamayn xoogan ku yeelan doonta suuqa oo maciishadda ayaa laga dareemi doona bilaha April ilaa June in ay kor u kacdo.

NB: Arinkani maaha wax qarsoon ee waxa aan halkan hoose idinku soo lifaaqaya wareegtadii DP World ay arinta ku wargilinaysay ganacsatadda. Iyada oo waliba ku sheegaysa hadii korodhka la bixin waayo in ay hor istaagi doonto maalgalintii DP World ay ku samaynaysa Dekeddda Berbera.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS