BALIGUBADLE MEDIA
Rooney oo Ka Guuraya Xirfadii Kubadda Cagta Una Guuraya Mihnad Kale
February 25, 2019 - Written by admin

Kabtankii hore ee xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Manchester United Wayne Rooney  ayaa qorshaynaya waxyaabaha uu qaban lahaa marka uu soo gaba gabeeyo waayihiisa kubada cagta.

Xidiga Rooney oo haatan ka tirsan kooxda DC United ee dalka Maraykanka ayaa gudbiyay codsi uu ku doonayo inuu xero xoolo oo weyn ka dhisto gurigiisa ay ku baxday lacagta gaadhaysa 20-ka milyan ginni, kaas oo  ku yaala Cheshire si uu ugu xareeyo cagaf-cagafta iyo cawska xoolaha la siiyo.

rooney

Baahida uu Rooney u qabo inuu dhisto meel lagu xareeyo cawska ayaa la micno ah inuu doonayo inuu xoolo dhaqdo.

Sida ay sheegtay Daily Star 33 jirkaan ayaa shaqaaleysiiyay shirkad wax dhista oo lagu magacaabo Brighouse Homes waxaana uu weydiistay dowlada hoose ee Cheshire inay u ogolaadaan qorshihiisa.

Waxaa la sheegayaa in xiddiga reer England uu doonayo inuu dhiso xero 20ft dhererkeedu leeg yahay  islamarkaana 7ft dhulka ku jirta taas oo la  micno ah in deriskiisa aysan wax dhibaato ah ku qabi doonin.

Warqada codsiga ee uu gudbiyay ayaa waxaa ku cad in dhismaha uu doonayo loo isticmaalo in lagu xareeyo alaabaha beerashada iyo weliba mashiino.

Rooney oo u ciyaara kooxda Mareykanka ee FC United ayaa qandaraas kula jira ilaa iyo 2021.

Waxaana la sheegayaa in xiriirka kala dhaxeeya xaaskiisa uu xumaaday ka dib markii xiddigii hore ee United lagu sawiray isagoo gabar kale la socda gobolka Florida.

Waxaa la sheegayaa in xaaskiisa Coleen ay qaadan doonto 70 milyan ginni haddii lamaanahaan ay isfuraan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS