BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Ku Baaqay In Macno Loo Sameeyo Dimuqraadiyad Ka Hirgasha Dalkaas
February 3, 2019 - Written by admin

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii macno loogu yeeli lahaa dimuqraadiyada dalka.

aby axmed

Raysal wasaare Abiy oo hadal ka jeediyey kulan lagu falanqaynayey dimuqraadiyada Itoobiya oo ka dhacay Addis ayaa waxa uu yidhi “Dariiqada aynu hore ugu socono waa inaynu macno buuxa u yeelno dimuqraadiyada taas oo wada jir looga shaqayn karo iyada oo aan laga gudbayn xuduuda siyaasada, waana inaynu dimuqraadiyada Itoobiya ka dhigno mid xoogan inaga oo hubinayna fursadaha ay haystaan xisbiyada siyaasadu, dhamaan daneeyayaashuna waxay wada jir uga shaqaynayaan sidii loo xoojin lahaa hay’addaha dawlada islamarkaana loo aamini lahaa.”

Sidoo kale raysal wasaaraha Dr. Abiy ayaa sheegay in nidaamka siyaasadeed ee la ka jira dalka Itoobiya aanu u gudbi Karin meel kale, waxaanu soo bandhigay faa,iidooyinka uu dalkiisu ka helayo dimuqraadiyada kuwaas oo uu ku sheegay cadaalada, kala duwanaanshaha, xoriyada wacyi gelinta, waxaanu dhalinyarada ugu baaqay inay eegaan faa,iidooyinkaas.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS