BALIGUBADLE MEDIA
“Muuse Biixi Qalbigiisa Daaro Dhiso Iyo Duunyo Urursi Ayaa Ka Buuxa, Han Iyo Himilo Hogaamineedna Ma Laha”Afhayeenka Waddani”
February 7, 2019 - Written by admin

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa madaxweynaha somaliland ku eedeeyey inuu ku jiro hanti urursi balse aanu lahayn aragti hogaamineed oo uu dalka ku hago.

barkhad batuun

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga Waddani ayaa si adag uga horyimid talaabada madaxweynuhu ku dhisayo madaxtooyada cusub xili ay xukuumadu ku dhawaaqday inay jirto macaluul baahsan oo saamaysay in ka badan hal milyan iyo badh ka mid ah muwaadiniinta somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu hadalkiisa ku yidhi “Iyado Guddoomiyaha Haay’adda ka hortaga Aafooyinku sheegay iney 1.5 milyan oo deeganadda dalka joogay duunyadooda iyo dadkuubu halis ugu jiraan abaar adag ayuu

Ninki Dalka u dhaartay ee kitaabka gacanta saaray hammigiisa ugu weyn iyo hannaankiisa hoggaamineed noqday inu daar 70 malyan oo dollar ah dhisto! Hoggaaminta dunida ee taarikhda gasha dal, iyo dad horumarkiis ayey ku fikirta ee kuma fikirto daaro dhismahood iyo duunyo urursi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS