BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Casho ah La Qaatay Dhiggiisa Burundi
February 19, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Burundi ayaa xalay waxaa dalkaasi loogu sameeyay munaasabad Casho sharaf ah oo uu ku marti qaaday Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza.

burundi

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi ku wehliya mas’iiliyiin ay ka mid yihiin Wasiika Gaashaandhigga Soomaaliya Xassan Cali Maxamed iyo taliyaha Ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe

Intii lagu guda jiray munaasabadda casha sharafta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,waxaana ay kulankooda iskula soo qaadeen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

In kastoo uu weli harsan yahay kulanka gaarka ah ee labada Madaxweyne ayaa waxa ay sigaar ah uga hadleen ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay inay sanadkaan gudihiisa ka baxaan dalka wallow walaac farabadan laga muujiyay.

Dowladda Burundi ayaa waxaa ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada farabadan ka joogaan Soomaaliya,waxaaana dhawaan la qorsheeyay in in ka badan 1,000 Askari oo ka mid ah ciidamadooda ay ka baxaan deegaano ka tirsan Hir-Shabeelle,iyada oo madaxda Maamulkaas ay cabasho ka muujiyeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS