BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Soo Dhawayn Diiran Kala Kulmay Madaxda Dawladda Ethiopia (Sawiro)
February 20, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

  Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS