BALIGUBADLE MEDIA
Guux Iyo Sawaxan Hoose oo Laga Cabsi Qabo Inuu Isku Badalo Kacdoon Shacbi oo Ka Taagan Qaybo Kamida Caasimadda Hargeysa
February 15, 2019 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa dhagaha ka furaystay baaqyo kala duwan oo uga imanayay qaybaha kala duwan ee bushadda ku abtirsata caasimadda hargeysa kuwaas oo ka hadlaayay xadhiga cullimo iyo macalimiin reer hargeysa ah oo ku xidhan jeelaaha dalka kuwaas oo uu kamid yahay sheekh aadan cabdiraxmaan warsame aadan sunne

breaking news

madaxwayne biixi ayaa dhagaha ka furaystay baaqyo kala gadisan oo kaga imanayay qaybaha kala duwan ee bulshadaas isagoo sidoo kale ku gacansaydhay dalab ay ula tageen qaar kamida madaxda deegaamadan kaas oo ay kaga dalbadeen cafis.

si kastaba ha ahaatee waxa ilo wareedyo baligubadlemedia soo gaadhayaa sheegayaan in dadwaynuhu aad uga cadhoodeen haween maalintii shalay mudaharaad salmiya kahor dhigay xarunta golaha wakiilada hortooda kuwaas oo ciidanka booliska jidh dileen xoogna ku kala kaxeeyeen arintaas cadho wayn dhalisay waxaana wararka hordhaca ah ee baligubadlemedia soo gaadhayaa sheegayaan in xaaladdu faraha ka bixi karto islamarkaana bulshadda deegaamadani dhigi karaan banaanbixii ugu waynaa abid ee ka dhac hargeysa kaas oo khatar wayn ku keeni kara madaxwaynaha lumiyay taageeradda shacabka ee muuse biixi oo isagu u muuqda inuu taladda dalka ku maamulayo isir nacayb iyo aargoosi uu u hayo qaar kamida bulshadda caasimadda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS