Guddoomiyaha Xisbiga Tallada Haya ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay.
February 3, 2019 - Written by admin
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Guddoomiyaha xisbiga talada degaanka haya Axmed Shide uu maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga, isagoo lagusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-Waal Airport.

Axmed Side ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda u saraysa degaanka oo uu horkacayo Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo masuuliyiin kale oo dawladda degaanka kamid ah, iyo waliba odayaal dhaqameedka degaanka.
Haddaba Axmed Shide guddoomiyaha XDSHSI ayaa lafilayaa in maanta galinka dambe kulamo la qaato madaxda dowladda deegaanka Soomaalida iyo odayaasha degaanka.
Degaanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa hadheeyey khilaaf u dhaxeeyay Mustafe Cagjar iyo Axmed shide, waxaana imaanshiyahan maanta uu soo afjarayaa khilaafkii muddooyinkii dambe u dhaxeeyey M/weynaha DDS Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada degaanka haya ee XDSHSI.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS