BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Cod U Qaaday Xubno Hore Looga Caydhiyay Xisbigaas
February 26, 2019 - Written by admin

Shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu meel mariyey buuxinta jagooyin ka banaan golaha dhexe ee xisbigaasi.

Goobta ayaa laga akhriyey magacyada xubno laga eryey xisbiga, qaar geeriyooday iyo qaar iskaga baxay kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbigaKulmiye.

kalmiye

Shirka oo uu gudoominayey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Xubnaha golaha dhexe ayaa cod aqlabiyad ah oo gaadhaya 202 ku ansixiyey 40 xubnood oo iskugu jira xubno iska casilay xubinimada golaha dhexe iyo qaar geeiyooday.

Sidoo kale golaha dhexe ayaa cod u qaaday xubno laga caydhiyey xisbiga oo kala ahaa Jaamac Shabeel Prof Cabdi Cali Jaamac,

Cabdilaahi Geeljire, sheekh Saleebaan iyo Cismaan ku jare, waxaana ogolaaday in la eryo 190 xubnood halka y diideen 18 kana aamuseen 12.

Sidoo kale shirka golaha dhexe ayaa laga akhriyey magacyada xubnaha cusub ee lagu badalay xubnahaas hore ee boosaskoodu golaha ka banaanaadeen, waxaana cod aqlabiyad ah lagu meel mariyey xubnahaas cusub.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS