Ganacsatadda Somaliya Oo Joojiyay Qaadkii Uga Iman Jiray Kenya
February 19, 2019 - Written by admin
Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaradaha Muqdisho ayaa sheegay in ay joojiyeen gabi ahaanba Khaadkii uga iman jiray dalka Kenya

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay joojinayaan Qaadka, si ay ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya.
Waxaa uu sheegay in sababta ay u joojiyeen qaadkii laga keeni jiray Kenya ay tahay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya iyo hadal shalay ka soo baxay Ganacsatada qaadka dalka Kenya.
Shalay ayaa afhayeen u hadlay ganacsatada qaadka dalka Kenya waxa uu ku hanjabay inay joojin doonaan qaadka ay u soo iibgeeyaan Soomaaliya hadii aan xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS