BALIGUBADLE MEDIA
EX Madaxwayne Siilaanyo oo Dalka Dib Ugu Soo Laabanaya Kulan Adagna La Qaadanaya Muuse Biixi
February 17, 2019 - Written by editor

Madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ex madaxweyne Siilaanyo oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa soo dhaweeyey xubno ka mid ah xukuumadiisii hore iyo masuuliyiin kale.

siilaanyo

Wararka ayaa sheegaya in ex madaxweyne Siilaanyo uu dalka u yimid inuu ka qayb galo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan ka furmaya magalaada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ex madaxweyne Siilaanyo ay habeenada soo socda kulan wada qaadan doonaan madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo ay ka wada hadli doonaan ajandayaasha lagaga hadli doono shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Ex madaxweyne Siilaanyo ayaa ahaa aas aasihii xisbiga Kulmiye ayaa mudo todoba sanadood gaadhaysa ka talinayey somaliland, isaga oo markii dembana xukunka dalka ku wareejiyey murashaxii xisbiga Kulmiye ee ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 2017-kii.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS