BALIGUBADLE MEDIA
Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil u Xidhay Tacaddi Loo Gaystay Suxufiyiin Somaaliyed
February 22, 2019 - Written by admin

War ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya taliyaha ayaa lagu sheegay in taliyaha ururka 60-aad  ku wargaliyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddi lagula kacay wariyeyaal Soomaaliyeed.

news

Falkan ayaa  dhacay 18kii Bishan, waxaana baraha bulshadda  lagu baahiyay muuqaalka saddex wariye oo Lugaha iyo Gacmaha inta laga xiray la dhigay meel qorax ah magaalada Muqdisho.

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen tacadiga lagula kacay wariyayaasha , islamarkaana su’aalo weydiinayaan arintan ku saabsan laamaha Danbi barista dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in saraakiil ciidan loo xiray tacadi lagula kacay suxufiyiin Soomaaliyeed oo inta badan cabasho ka muujiyeen hab dhaqanka ciidamada dowladda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS