BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada Soomaaliya oo ka Hadashay Soo Jeedin Raysal Wasaaraha Itoobiya Ka Timid oo Ku Saabsan Xidhiidhka Muqdisho Iyo Hargeysa
February 21, 2019 - Written by admin

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadashay soo jeedin uu sameeyey raysal wasaaraha Itoobiya oo ku saabsan xidhiidh dhexmara somaliland iyo soomaaliya.

Warsaxaafadeed hada laga soo saaray madaxtooyada somaliya ayaa lagu soo bandhigay aragtida dawlada Muqdisho, waxaanu warkaasi u dhignaa sidan:-

news

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

COMMENTS