Abaanduulihii qeybta 12ka April ee militariga Soomaaliya oo qarax lagu dilay
February 5, 2019 - Written by admin
Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in goor dhawayd Qarax lagu dilay Col Cabdisalaan Aadan Kurjow oo ahaa taliyihii qeybta 12ka April.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in Abaanduulaha uu ku dhintay Qarax miino oo loo dhigay gaari uu la socday deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha hoose.
Waxaa la xaqiijiyay in sidoo kale ay qaraxa ku dhinteen Saraakiil kale oo ka tirsanaa Ciiidamadda Dowladda Soomaaliya.
Alla h Naxariistee C/salaan ayaa xilkaan ka beddelay Jeneraal Cabdi Cali Jamaame oo qarax miino ku dhintay 6dii December ee sanadkii la soo dhaafay
Xigasho: Hol
Like this:
Like Loading...
COMMENTS