Yaa Loo Cumaamadayaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ?
January 20, 2019 - Written by admin
Shirwaynaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa la filayaa inuu ka furmo dhamaadka bisha labaad ee sanadkan magaaladda boorama.

shirwaynaha ayaa la filayaa in lagu doorto gudoomiyaha xisbiga iyadoo ilaa hadda raga la hadal hayo ay kamid yihiin madaxwaynaha oo wararku sheegayaan in isaga dib loo dooranayo halka wararka qaar sheegayaan inuu booskaaa ku ruqaansanayo gudoomiye ku xigeenka xisbiga
sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaxwaynuhu dabadda ka riixayo in gudoomiyaha lagu wareejiyo mujaahid xasan ciise oo ay madaxwaynaha saaxiibo aad iskugu dhaw yihiin
wasiirkii hore ee madaxtooyadda ayaa kamida raga aadka ugu loolamaya jagadaas balse waxa la filayaa in laga soo tukhaantukhiyo shirka
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS