BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Xukuumadda oo Albaabadda U Laabtay Xaruntii Dawladda Hoose ee Hargeysa
January 16, 2019 - Written by admin

Xafiiska hanti dhawraha guud ee qaranka somaliland ayaa albaabada iskugu dhuftay isla markaana xidhay xarunta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Masuuliyiin ka socday xafiiska hanti dhawrka ayaa xidhay xarunta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, waxaana si gaar ah loo xidhay xafiisyada dakhli ururinta ee dawlada hoose iyo  qaar ka mid ah xafiisyada guddida fulinta, iyada oo wararku xaqiijiyeen in la bilaabayo baadhis xoog badan oo ka dhan ah masuuliyiinta dawlada hoose.

breaking news

Cali Sheekh Maxamed Axmed oo ka mid ah saraakiisha xafiiska hanti dhawrka qaranka ayaa cadeeyey inay xidheen xaruntii dawlada hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah xafiisyada isaga oo sheegay in baadhitaanka ay ka bilaabayaan dawlada hoose ee caasimadu uu ka mid yahay hawl galadooda caadiga ah ee ay u xil saaran yihiin.

Sarkaalkan ayaa sheegay in xafiisyada dawlada hoose ee ay qufulka ku dhufteen ay xidhnaanayaan mudada ay wadaan baadhistooda, isaga oo sheegay inay soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda baadhistaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS