BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaan Kamida Golaha Wakiiladda Somaliland oo Fashiliyay Xidhiidh Qarsoodiya oo Ka Dhexeeya Madaxwayne Danney Iyo Madaxda Kulmiye
January 27, 2019 - Written by admin

Xildhibaan Wali Axmed Xaawo oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiiladda somaliland ayaa sheegay in masuuliyiinta xisbiga kulmiye ugu sareeya ay xidhiidh ganacsi ka dhaxeeyo madaxwaynaha maamulka puntland Siciid Cabdilaahi Danney.

wali axmed xaawa

Xildhibaan wali Axmed Xaawo ayaa sheegay inaanu jiri doonin khilaaf dambe oo ka dhex-dhacaya dawlada somaliland iyo maamul goboleedka somaliyeed ee puntland waxaana uu yidhi.

“Madaxwaynaha Puntland iyo Xubno sare oo ka tirsan xisbiga kulmiye ayaa waxa ka dhaxeeya hawlo ganacsi oo waxa ay wadagaan sida iskuulo iyo xidhiidho ganacsiba markaas waxaan filayaa inaanay xagaas puntland hawl badani ka imanayn oo waxa loo diri doonaa iyaga,lakiin arinka in ogaal lawada noqdo

maaha dibla-maasiguna qarsoodiga ayuu ku macaan yahay.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay saab Tv

Intaas waxa uu ku daray xildhibaan Wali Axmed Xaawo Isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi.”waxaan filayaa in ay masuuliyiinta kulmiye ee xidhiidhka ganacsi ka dhaxeeyo madaxwaynaha puntland in ay xidhiidhka labadda dal ah ka shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS