BALIGUBADLE MEDIA
Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo War Ka Soo Saaray Kulan Dr. Abiy La Yeeshay Mustafe Cagjar Iyo Axmed Shide
January 26, 2019 - Written by admin

Xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa war ka soo saaray kulan uu raysal wasaaruhu la yeeshay madaxweynaha deegaanka soomaalida Mustafe Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga deegaanka soomaalida Axmed Shide.

shide aby iyo cagjar

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in muhiimada kulanka lagaga hadlay  horu marka iyo amaanka deegaanka soomaalida.

War ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu yidhi “Raysal wasaare Abiy Ahmed waxa uu xafiiskiisa kula  kulmay madaxweynaha gobolka soomaalida Mustafe Cumar iyo gudoomiyaha xisbiga deegaanka soomaalida Axmed Shid.

Wada hadalka uu raysal wasaaruhu la yeeshay masuuliyiinta waxa xudun u ahayd horumarka iyo amaanka gobolka soomaalida, waxaanu raysal wasaaruhu kulankan ku soo gaba gabeeyey isaga oo jiho u sameeyey xoojinta horumarka gobolka soomaalida.”

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaan lagu soo hadal qaadin khilaafkii u dhaxeeyey madaxweyne Cagjar iyo gudoomiye/Wasiir Axmed Shide ee la xidhiidhay dhismaha xisbiga iyo qabashada shirweynihii xisbigaasi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS