Wasiirkii Caafimaadka Somaliland oo Xanuun Kadis Ahi Ku Soo Booday Iyo Madaxwayne Biixi oo Cisbitaalka Ku Booqday
January 27, 2019 - Written by admin
Wasiirka Caafimaadka somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaalka Haldoor ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka oo uu xalay ku soo booday xanuun ka asiibay lugta iyo gacanta bidix ayaa la dhigay cusbitaalka Haldoor oo ka mid ah cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa booqday Wasiirka Caafimaadka oo u jiifa xaalada caafimaad ee la soo daristay.
Madaxweynaha ayaa wasiirkiisa Caafimaadka iyo dadka kale ee xaaladaha caafimaad u jiifaba alel u waydiiyey inuu caafimaad taam ah siiyo.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS