Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka oo Xaraashay Daamuurkii Wadadda Ceerigabo
January 3, 2019 - Written by admin
wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland ayaa xaraashay daamur gaadhaya toban kun oo foosto kaas oo kamid ahaa daamurkii loo qorsheeyay dhismaha waddada ceerigaabo

wasiirka gaadiidka ayaa daamurkan ka iibiyay dawladda hoose ee hargeysa iyadoo sidoo kale amar ka soo baxay xafiiska maareeyaha haayadda wadooyinka oo lagu xayiray daamurkan uu ku gacan saydhay wasiir cabdilaahi abokor oo u muuqda mid isku halayn balaadhan ka qaba madaxwaynaha ku samaynaya awood sheegashadan baahsan ee ku kacayo tan iyo intii uu la wareegay xafiiska
daamurkan oo ahaa mid gaadhaya konton kun oo foosto islamarkaana uu dalka keenay xirsi wakhtigii uu ahaa wasiirka madaxtooyadda islamarkaana loogu tala galay jidka ceerigaabo ayaa waxa qayb kamida hore u cunay wasiirkii hore ee hawlaha guud cali mareexaan waxaana qaybtii kale hadda cunaya oo is dhaafinaya wasiir cabdilaahi abokor oo ku mamay cunista hantida umadda
si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaan la garanayn sababta uu u daawanayo musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex bilaabmay xukuumadiisa kaas oo uu kaw kayahay wasiirkiisa gaadiidku
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS